One million success jobs stories. Start yours today.

Midwife & Nursing - (9 Positions) - Dawladda Hoosee Ee Degmada Berbera

Date Posted: Jan 20, 2026
Login to View Salary
Job is expired

Job Detail

  • Location:
    Berbera
  • Company:
  • Type:
    Full Time
  • Category:
    Health/wash
  • Positions:
  • Experience:
    3 Year
  • Gender:
    No Preference
  • Degree:
    Bachelors
  • Apply Before:
    Jan 27, 2026
  • Posting Date:
    Jan 20, 2026

Job Description

Jamhuuriyadda Somaliland
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Republic of Somaliland / Municipality of Berbera

Xafiiska Maamulka Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera

 

REF: XMDH/DB/XSH/21/2026
Taariikh: Isniin, January 19, 2026

Ku: Cidii Danaynaysa
Ujeeddo: Baahin Fursado Shaqo

Dawladda hoose ee degmada Berbera waxay baahinaysaa 9 fursadood oo shaqo, kuwaas oo kala ah 4 Umuliso (Midwife) iyo 5 Kalkaaliso (Nursing) oo ka banaan xarunta hooyada iyo dhallaanka Bulaxaar MCH.

Sidaa darteed cidii danaynaysa in ay ka faa’iidaysato fursadahaas shaqo kana mid noqdaan shaqaalaha boosaskaas, waxaa lagu wargelinayaa inay ku soo hagaajiyaan CV-yadooda, shahaadooyinkooda iyo dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska shaqaalaha dawladda hoose ee degmada Berbera.

 

Experiences and Qualifications

Shuruudaha Looga Baahan Yahay Codsadayaasha

  1. Shahaado waxbarasho oo umulisanimo (University degree of Midwife)

  2. Shahaado waxbarasho oo kalkaalisanimo (University degree of Nursing)

  3. Waayo-aragnimo shaqo ugu yaraan 3 sano

  4. Inuu qofku yahay muwaadin Somaliland ah haystana kaadhka dhalashada Somaliland

  5. Inuu keeno warqadda danbi la’aanta

  6. Inuu soo gudbiyo warqadda caafimaadka oo cadaynaysa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba u caafimaad qabo

How To Apply

Qabashada araajidu waxay socon doontaa muddo dhan 7 maalmood, oo ka bilaabmaysa January 20, 2026 kuna dhammaanaysa January 27, 2026.

Guuleed Maxamed Daahir
Madaxa Shaqaalaha
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera

(Shaabad & Saxiix)

Dawladda Hoose ee Degmada Berbera – Xafiiska Maamulka Shaqaalaha
Tel: 063-8080919

Skills Required

Company Overview

Berbera

Dawladda hoose ee degmada Berbera waa hay’adda maamulka degmada ee ka shaqeysa horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, biyo gelinta, wadooyinka, maamulka suuqyada, iyo bixinta canshuuraha deegaanka. Waxay sidoo kale leedahay golaha deegaa... Read More

Related Jobs

Google Map