FURSAD SHAQO
Booska Shaqo: Dirawal (Driver)
Goobta Shaqo: SOS Burco
Wakhtiga Uu Xidhmayo: 8/6/2024
Hay’adda Tuulooyinka Caruurta ee SOS waa hay’ad ka howgalaysay Somaliland tan iyo markii wadanka laga hirgaligaya 2002 waxayna xubin buuxda ka tahay daladda Caalamiga ah ee Tuulooyinka Caruurta SOS ee fadhigeedu yahay Austria. Magaalada Hargeisa, Hay’addu waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala gedisan sida Tuulada Caruurt, Kobcinta qoyska, iyo Mashruuca gargaarka dagdaga ah. Hay’adaha Tuulooyinka Caruurta ee SOS waxay ku shaqeeysaan xeerka Qaramada Midoobay ee ku aadan ilaalinta xuquuqda caruurta. Qof kasta oo naga mid ah waxaa saaran masuuliyad uu ku ilaaliyo xuquuqda caruurta kana hortago xadgudubyada ka dhanka ah caruurta nooc kasta oo ay yihiin. Hay’adda Tuulooyinka Caruurta SOS Somaliland waxay soo bandhigaysaa fursad shaqo oo ah Dirawal (Driver) oo ka hawlgala mashaariicda SOS ee Borama.
Dirawalku wuxuu u xilsaaranyahay daboolida baahida gaadiid wadida ee SOS Burco. Waxa uu masuuliyad culusi ka saaran tahay caruurta, shaqaalaha iyo sumcada Hay’ada ee lagu aaminay. waa inuu ahaadaa shaqsiyad wanaagsan oo ku dayasho mudan, kana soo bixi karta Hawsha loo doortay.
1. SHURUUDAHA LOOGA BAAHANYAHAY QOFKA
1) Waa in uu haysta Shahaadada dugsiga Sare.
2) In uu leeyahay khibrad dirawal nimo oo ugu yaraan 6 sano ah. Kana soo shaqeeyey ha’ayada caalami ah.
3) Waa in uu haystaa liisanka dirawalnimo oo aan dhacsanayn/cashuuran (oo darajada A).
4) In aaany dadiisu ka waynaan 40 sano
1. In aanu wax danbi ah hore u galin
Qofka danaynaya shaqadan buuxin kara shuruudaha kor ku xusan, waxaa uu soo dirayaa codsigiisa iyo qoraal koobayaa taariikhdiisa waxbarasho, xirfadiisa shaqo (CV) iyo Shahaadooyinkiisii oo copy ah.
Waxaa lagu soo hagaajin karaa emailkan: hr@sos-somaliland.org ama xarumaha ay SOS ku leedahay Hargeisa, Berbera, Buco, iyo Borama.