One million success jobs stories. Start yours today.

MAAMULE DUGSI SARE - Candlelight

Date Posted: Jul 09, 2024
Login to View Salary
Job is expired

Job Detail

  • Location:
    Burao
  • Company:
  • Type:
    Full Time
  • Category:
    Management/leadership
  • Positions:
  • Experience:
    3 Year
  • Gender:
    No Preference
  • Degree:
    Bachelors
  • Apply Before:
    Jul 18, 2024

Job Description

OGAYSIIS

FURSAD SHAQO BANAAN

JAGADA: MAAMULE DUGSI SARE

GOOBTA SHAQADA: DUGSIGA SARE EE CANDLELIGHT BURCO

NOOCA SHAQADA: SHAQO WAKHTI-BUUXA AH (FULL-TIME JOB)

  1. HORDHAC

Dugsiga Sare ee Candlelight Burco waxaa la aasaasay horraantii sanadkii 1998 kii. Dugsigu waxa uu ka mid yahay Dugsiyo dhawr ah oo Haayada Candlelight maamusho kana furan Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Maroodijeex. Qorshaha Istaraatijiyadeed ee Candlelight dhanka waxbarashadu waxa uu beegsanayaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegga waxbarashada Dugsiyada sare iyo Hoose/Dhexe ee dalka. Dugsiga Sare ee Candlelight Burco waxa uu kaalin mug leh kaga jiraa dardar-galinta iyo fidinta adeegga waxbarasho ee gobolka iyo guud ahaan Somaliland.

Sidaa darteed, CANDLELIGHT waxa ay qaadanaysaa Maamule hogaamiya Dugsiga Sare ee Burco. 

  1. Waajibaadka Maamulaha

Xilka Maamulaha Dugsiga Sare waa:

  • Fulinta barnaamijka waxbarashada
  • Fulinta go’aamada maamul ee kasoo baxa Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska
  • Fulinta siyaasada iyo xeerarka Dugsiga
  • Diyaarinta warbixinta Dugsiga bil kasta
  • Ilaalinta hantida guurtada iyo ma guurtada ah ee Dugsiga
  • Hubinta iyo daba-galka ururinta fee ga ardayda kolka xisaabiyaha Dugsigu soo gudbiyo liisaska bixiyay iyo kuwa aan bixin
  • Ka qayb-galka dejinta qorshayaasha horumaineed ee Dugsiga
  • Go’aaminta qiimaynta waxbarashada ardayda
  • Habaynta iyo xafididda dhukumentyada dugsiga
  • Hoggaaminta xidhiidhka dugsiga iyo bahda waxbarashada
  • Ilaalinta nabadgelyada iyo nadaafadda dusiga
  • Xidhiidhinta dugsiga iyo Wasaaradda Waxbarashada
  • Ka taakulaynta Bare-ha gudashada xilkiisa
  • Horumarinta waxqabadyada dugsiga
  • Dabagalka iyo qiimaynta tayada waxbaridda dugsiga
  • Sugidda edebta iyo anshaxa ardayda
  • Hoggaaminta iyo korjoogtaynta hawl-maalmeedka Dugsiga
  • Nidaaminta iyo qiimaynta Bareyaasha
  • Iyo hawlaha kale ee Korjoogehaagu (Supervisor) kuu igmado

Experiences and Qualifications

a. Waa inuu ahaado muwaadin Somalilander ah

b. Waa inuu leeyahay khibrad Barenimo oo aan ka yarayn 3 sano

c. Waa inuu leeyahay ugu yaraan 4 sano oo waayo-aragnimo Maamul Dugsi sare ah amaba goob waxbarasho.


d. Waa inuu haystaa shahaado heerka koowaad (Degree)ama heerka labaad ee waxbarashada (Master)

e. Waa in aanu lahayn balwad isla markaana uu yahay qof amaano leh

f. Waa in uu aqoon durugsan u leeyahay dhisida akhlaaqiyaadka ubadka gaar ahaan heerka Dugsi Sare

g. Waa inuu leeyahay xirfadda qorista iyo diyaarinta warbixinaha (reports)

h. Waa inuu leeyahay xirfadda isticmaalka Computer ka

i. Waa inuu aqoon durugsan u leeyahay qorista iyo ku-hadalka afafka Soomaliga, Ingiriisida iyo Carabida


j. Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo ku filan oo dhanka xidhiidhka ah (communication skills)

How To Apply

Hadaba cid kasta oo danaynaysa fursaddan shaqo waxa lagu marti-qaadayaa inay soo xaraystaan araajidooda sida:

  1. National ID card (Copy) ama aqoonsi u dhigma
  2. Shahaado Cadaynaysa Heerka Waxbarasho,
  3. CV wata ugu yaraan 3 tixraac (references) iyo
  4. Codsi soo koobaya waayo-aragnimadaada iyo geediga heerarkii waxbarasho iyo shaqooyinkii aad soo qabatay gaar ahaan kuwo la mid ah booskan. 

Araajida waxaa lagu soo xaraynayaa cinwaanka hr@candlelightsom.org ugu danbayn maalinta  Khalista 18th  July 2024.

Skills Required

Company Overview

Hargeisa

Candlelight is a non-governmental organization that strives to bring about positive changes in communities through environmental conservation, quality education and awareness raising on health issues and social wellbeing. Read More

Related Jobs

Google Map