One million success jobs stories. Start yours today.

Climate smart agriculture training for youth batch 3 final - SOS Children’s Villages

Date Posted: Nov 06, 2025
Login to View Salary
Job is expired

Job Detail

  • Location:
    Borama
  • Company:
  • Type:
    Internship
  • Category:
    Agriculture
  • Positions:
  • Experience:
    Unspecified
  • Gender:
    No Preference
  • Degree:
    Unspecified
  • Apply Before:
    Nov 27, 2025
  • Posting Date:
    Nov 06, 2025

Job Description

SOS Children’s Villages in Somaliland waa Hay’ad caalami ah, kana shaqeysa
horumarinta arrimaha bulshada, daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama
khatar ugu jira in ay waayaan. Xoojinta iyo taageerida dhaqan-dhaqaale ee qoysaska
danyart ah. Sidoo kale waxa ay fulisaa barnaamijka “Horumarinta wax soosaarka
beeraha ee la jaan-qaadaya isbadalka cimilada(Urban and Climate Smart
Farming)” oo ah barnaamij dhalinyarada u abuuraya fursado shaqo, isla markaana hoos
udhigaya saamaynta isbadalka cimilada si loo yareeyo fakhriga nololeed ee ka dhasha
iyado la raacayo wax-beerashada casriga ah ee la jaan qaadaysa isbadalka cimiladda
(Urban and Climate smart Agriculture). Barnaamijkan Waxa loogu tala galay
dhalinyarta dhameystay heerarka kala duwan ee waxbarashada cilmiga beeraha ama
aqoon u leh wax soo saarka beeraha ama kasoo shaqeeyay beero.
Haayadu, Waxay qaadanaysaa 128 dhalinyaro ah oo dagan Gobalka- Awdal oo lagu
tababari doono hal-abuurka beeraha casriga ee la jaan qadaya isbadalka cimiladda iyo
hababka kala duwan ee wax Beerashada iyo xirfadda Hal abuurka beero-ganacsiyeedka
(Agri-entrepreneurship) iyo Xirfadaha shaqo-helidda (Agri-employability), Dhalinyaradu
waxa ay soo qoran doonaan hal abuurkooda ganacsi ee la xidhiidha beeraha ee ay maanka
ku hayaan, waxa aanay fursad u heli doonan in loo maal-galiyo fikradaha guulaysta ama la
geeyo fursad shaqo carbin.
Dhalinyaradan waxa lagu tababari doonaa hab beerashada casriga ah ee la jaan
qaadaysa isbedelka cimiladda (theory and practical), tababarka kadib waxa la rabaa in
dhalinyaradu la yimadaan fikrado wax ka taraya yaraynta saamaynta isbedelka cimilada,
korna u qaadaya wax soo saarka dalka ee dhinaca beeraha iyo shaqo-abuurka.
Hadaba Dhalinyarada xiisaynaysa tababarkan kor ku xusan waa in ay buuxiyaan
shuruudan hoos ku xusan si ay uga faa’iidaystaan barmaamijka.

Experiences and Qualifications

1. Waa in da’diisu u dhexayso (18-35 sano).
2. Waxbarshada (Haysta shahaadada cilmiga beeraha ama wax u dhigma sida
xoolaha iyo deegaanka).
3. waa in uu daganyahay Borama ama Gobalka-Awdal (waa in uu imankara Borama
madamay tobabaradu halka ka dhacayaan).
4. Waa in uu diyaar uyahay inuu hal abuur la iman karo ama waa in uu diyaar u yahay in uu
shaqo tagi karo.
5. Heerka luuqada ingiriisiga waa in uu akhriyi karo iyo qorina karo.
6. Waa in uu sidoo kale diyaar u ahaadaa ka qeybgalka hawlaha u baahan in gacanta
laga qabto.
7. In uu diyaar u yahay dhamaysashada tababarkan.
8. Waa in uu wax ka garanayaa ganacsiga beeraha.
9. Waa in uu diyaar u yahay in uu shaqo raadin sameeyo

How To Apply

Codsadayaasha waa inuu soo buuxbuuxiya linkgan: https://forms.gle/tSHPwUKikEqgjrxX7
Ugu dambayn 27/11/2025. Codsadayaasha la xusho oo keliya ayaa lala xidhiidh doonaa si
waraysi looga qaado ama loo waraysto.

Apply for this job

Skills Required

Company Overview

Hargeisa

Founded in 1949, we are the largest nonprofit in the world dedicated to the care of orphaned, abandoned and other vulnerable children.  Through our family support and care programs, medical centers, schools and emergency relief efforts we impact the... Read More

Related Jobs

Google Map