One million success jobs stories. Start yours today.

Baahin Fursado Shaqo ( 13 Fursado Caafimaad) - Dawladda Hoosee Ee Degmada Berbera

Date Posted: Feb 08, 2026
Login to View Salary
Job is expired

Job Detail

  • Location:
    Berbera
  • Company:
  • Type:
    Full Time
  • Category:
    Health/wash
  • Positions:
  • Experience:
    3 Year
  • Gender:
    No Preference
  • Degree:
    Bachelors
  • Apply Before:
    Feb 14, 2026
  • Posting Date:
    Feb 08, 2026

Job Description

Jamhuuriyadda Somaliland
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera
Republic of Somaliland / Municipality of Berbera

Xafiiska Maamulka Shaqaalaha D/hoose ee D/Berbera

REF: XMDH/DB/XSH/426/2026
Taariikh: Sabti, February 7, 2026

Ku: Cidii Danaynaysa
Ujeeddo: Baahin Fursado Shaqo

Dawladda hoose ee degmada Berbera waxay baahinaysaa 13 fursadood oo shaqo oo kala ah:

  • 5 Umuliso (Midwife)

  • 7 Kalkaaliso (Nursing)

  • 1 Nafaqayn (Nutrition)

Shaqooyinkan waxa laga hawlgelin doonaa xarumaha hooyada iyo dhallaanka Dirimara MCH.

Sidaa darteed, cidii danaynaysa oo ka faa’iidaysanaysa fursadahan shaqo kana mid noqon karta saddexdan tobanle boos, waxa lagu wargelinayaa inay kusoo hagaajiyaan CV-yadooda, shahaadooyinkooda iyo dhammaan shuruudaha looga baahan yahay xafiiska shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada Berbera.

  • Umuliso (Midwife)

    • Xarunta: Dirimara MCH

    • Tirada: 5

  • Kalkaaliso (Nursing)

    • Xarunta: Dirimara MCH

    • Tirada: 7

  • Nafaqayn (Nutrition)

    • Xarunta: Dirimara MCH

    • Tirada: 1

Experiences and Qualifications

Shuruudaha looga baahan yahay Codsadayaasha

 

  1. Shahaado waxbarasho oo Umulisanimo (University Degree of Midwife)

  2. Shahaado waxbarasho oo Kalkaalisanimo (University Degree of Nursing)

  3. Shahaado waxbarasho oo Nafaqayn (University Degree of Nutrition)

  4. Waayo-aragnimo shaqo ugu yaraan 3 sano

  5. Inuu qofku yahay muwaadin Somaliland ah haystana kaadhka dhalashada Somaliland

  6. Inuu soo gudbiyo warqadda caafimaadka oo caddeynaysa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba caafimaad qabo

How To Apply

Qabashada araajidu waxay socon doontaa muddo dhan 7 maalmood, oo ka bilaabmaysa February 7, 2026 kuna dhammaanaysa February 14, 2026.

Guuleed Maxamed Daahir
Madaxa Shaqaalaha
Dawladda Hoose ee Degmada Berbera

Tel: 0638080919

Skills Required

Company Overview

Berbera

Dawladda hoose ee degmada Berbera waa hay’adda maamulka degmada ee ka shaqeysa horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, biyo gelinta, wadooyinka, maamulka suuqyada, iyo bixinta canshuuraha deegaanka. Waxay sidoo kale leedahay golaha deegaa... Read More

Related Jobs

Google Map