**OGEYSIIS TARTAN: IIBKA LABA GAADHI** Shirkadda National Fiber Optic Company (NFOC) waxay ogeysiinaysaa ganacsatada, shirkadaha, Shakhsiyaadka iyo dhammaan cid kasta oo danaynaysa inay iibinayso labada gaadhi ee hoos ku xusan, iyadoo loo marayo habka (Tartanka Furan)
Tixraaca Tender-kaNFOC/VEHICLE-SALE/01/2026
Taariikhda Bilowga Tartanka14.07.2026
Taariikhda uu Xidhmayo Tartanku20.07.2026 – 10:00 Subaxnimo
Taariikhda Furitaanka****20.07.2026 – 10:30 Subaxnimo

**2\. HABKA IIBKA IYO QIIMAYNTA DALABYADA** **1.** Labada gaadhi waxaa loo iibinayaa si kala madax-bannaan. **2.** Gaadhi kasta waxaa laga iibin doonaa qofka ama shirkadda soo gudbisa dalabka buuxiya dhaman shurudaha tender-ka isla markaana soo gudbista qiimaha ugu sarreeya ee gaadhigaas. **3.** Qofka tartamaya wuxuu dalab ka gudbin karaa hal gaadhi oo keliya ama labada gaadhiba. **4.** Qofka dalab ka gudbinaya labada gaadhi waa inuu si cad oo kala gaar ah u qoraa qiimaha uu ka bixinayo gaadhi kasta. **5.** Dalab isku-geyn ah oo aan muujinayn qiimaha gaadhi kasta si gaar ah lama aqbali doono. **6.** Guuleystaha gaadhi kasta waxaa lagu go’aamin doonaa qiimaha ugu sarreeya ee loo soo bandhigo gaadhigaas. Sidaas darteed, labada gaadhi waxaa ku kala guuleysan kara laba qof ama laba shirkadood oo kala duwan. **3\. SHURUUDAHA TARTANKA** **1.** Gaadiidka waxaa lagu iibinayaa xaaladda ay hadda ku sugan yihiin. **2.** Qof kasta oo danaynaya tartankan waxanu kula talinayna inuu gaadiidka si buuxda u soo kormeero ka hor inta aanu gudbin dalabkiisa. **3.** Soo gudbinta dalabka waxay caddeyn u tahay in tartamuhu kormeeray gaadhiga, fahmay xaaladdiisa, kuna qanacsan yahay inuu ku iibsado xaaladda uu ku sugan yahay. **4.** Dalab kasta waa inuu si cad u muujiyaa magaca qofka ama shirkadda, lambarka taarikada gaadhiga la dalbanayo, qiimaha lagu dalbanayo, lambarka telefoonka, nuqulka aqoonsiga qofka ama license ka shirkadda, saxeexa iyo taariikhda dalabka. **5.** Qiimaha dalabka waa in lagu qoraa Doollarka Maraykanka (USD), tiro iyo qoraal ahaan. **6.** Qiimaha la soo gudbiyo waa inuu noqdaa mid kama dambays ah, lagumana dari karo wax shuruudo qarsoon ama kharashyo dheeraad ah. **7.** Dalabka waa in lagu soo ridaa Envelope xidhan. **8.** Qiimaha dalabka laguma qori karo dusha sare ee baqshadda. **9.** Dalabyada la keeno marka uu dhammaado waqtiga xidhitaanka tender-ku lama aqbali doono. **10.** Dalabyada aan buuxin shuruudaha tender-ka waxaa loo aqoonsan karaa kuwo aan waafaqsanayn tartanka.
Gaadiidka waxaa la kormeeri karaa muddada u dhaxaysa 14.07.2026 ilaa 20.07.2026 wakhti ahaana noqonaysa 7:30 subaxnimo ila 4:00 galabnimo, maalmaha shaqada.
Goobta ay 2da gaadhi yalan waa Xarunta NFOC ee ku tala Xaafada Daloodho gaarahan Qaalib.
Wixi faahfahin ah waxad kalaso xidhidhi kartan numberka hoos ku xusan.
Company Name: National Fiber Optic Company – NFOC
Address: Dabaqa 2-aad, Dhismaha Somcable, Road No. 1, Degmada 26 June, Hargeysa, Somaliland.
Contact Name: Ahmed Ibrahim
Contact Number: +252634420805
Contact Email: Ahmed.ibrahim@nfocco.com
5. GUDBINTA IYO FURITAANKA DALABYADA
Dalabyada waa in lagu soo gudbiyaa: Xarunta NFOC oo ku taala Dabaqa 2-aad, Dhismaha Somcable, Road No. 1, Degmada 26 June, Hargeysa, Somaliland.
Dalabyada waxaa la furayaa isla maalinta xidhitaanka, iyadoo ay goob-joog ka noqon doonan dhaman tartamayaasha ama wakiilladooda.